Skip to content
“Ka maayar ahaan, ayaa waxaan sameyn doonnaa jaangooyo cusub oo loogu talagalay magaalooyinka kobcaya, ee guuleystay. Marka guryaha laga dhigo kuwo in badan la awoodi karo lana sameeyo daryeelka carruurta markaa dhashay ilaa 5 jir oo meel walba ka jira, ayaa magaalada Seattle waxay soo-jiidan doontaa oo ayna ku negaan doonnaan shaqaalaha ugu kartida badan, min macallimiin ilaa iyo cunto kariyeyaasha ilaa hal-abuurayaasha ganacsi, muusikiistayaasha, iyo fanaaniinta kale. Waxa u wanaagsan shaqaalaha iyo qoysaska ayaa u wanaagsan ganacsiga taasina waxay noqon doontaa faa'iidada uu yeellan doonno tartanka ka jira magaalada Seattle cudurka COVID ka-dib.”

Jessyn Farrell

Waxaad gacan ka geysan kartaa hor-u-socodka awoodda

Doolar iyo fawjar kasta ayaa gacan ka geysta

Noqo qof wanaagsan, oo wax badan sameeya

Seattle oo caddaalad iyo haqab la'aani ka jirto waa suuragal

Dhibaatada

Caqabadaha hortaagan magaalada Seattle ayaa sii xumaanaya hoggaamiyeyaasha hadda ee magaaladana waxay u muuqdaan kuwo aan awoodin in ay bixiyaan adeegyada aasaasiga ah, iskaba daa wax ka qabashada dhibaatooyinka sii xumaanaya sida guri la’aanta, kharashaadka guryaha, dib-u-furitaanka iskuullada, iyo ka soo kabashada dhaqaale-xumada ee uu keenay cudurkan safmarka ah. Qaar badan oo ka mid ah ganacsiyada xaafadaha ee aan ugu jeclayn ayaa xirmay ama keliya sii adkaysanaya. Maalin walba in badan oo deriskeenna ah ayaa gaajo ku jooga waxaana lagu qasbay in ay teendhooyin ku noolaadaan.  Dhibaatada dhaqaale ee cudurkan safmarka ah waa mid aan sinnayn, waxayna bannaanka soo dhigaysaa midab-sooca nidaamka ee dib u sii dhigaya bulshadeenna.

Xalka

Habka lagu guuleysanayo ayaa ka bilaabanaya in la aqoonsado sidii ay wax u jireen cudurka safmarka ah ka hor oo ah in dad badani gadaal looga tagey. Seattle waa in ay horseed u noqotaa dib u soo kabashada dhaqaale ee loo siman yahay, guryo la awoodi karo, iyo sidii dib loogaga fikiri lahaa amaanka dadweynaha si loo kala horumarsiiyo mudnaanta taageerada bulshada, dhaqaalaha iyo kuwa dhaqanka ee dadka ka caawinaya in ay kobac sameeyaan sida helidda daryeelka carruurta dhalashada ilaa shan sano oo tayo sare leh, meel walbana laga heli karo. Marka aynu isku nimaadno annaga oo hadaf guud leh ayaa waxaannu horumar muuqda ka sameyn karnaa arrimahan adag.

In badan
Rep. Dave Hackney of the 11th Legislative District

Rep. David Hackney

"I've been impressed with Jessyn's intelligence, authenticity, and commitment to her values since meeting her at the United Nations International Tribunal working on war crimes nearly 20 years ago. Jessyn is the very best candidate to lead our city out of the crises we face, and I know she'll be a strong ally for my constituents in City Hall. On everything from equitable economic recovery programs to environmental justice, Jessyn's expertise on the issues has been invaluable to me since the day I ran for office and that deep understanding of how to rebuild our community is what we need in the mayor's office." More Endorsements

Maadaama ay tahay hooyo keligeeda ah oo haysata saddex carruur oo dhigta dugsiga dadweynaha, Jessyn waxay helaysaa xogta ugu horreysa ee sida qoysaska, carruurta iyo macallimiintooda ay hadda u dhibaataysan yihiin.

Jessyn waxay ka mid ahayd haweenka faro-ku-tiriska ah ee abid ilmo dhalley iyagoo ka tirsan golaha sharci-dejinta ee gobolka waxayna si weyn gacan uga geysatay dib-u-habeyn lagu sameeyay hay’adda si ay u noqoto mid aad iyo aad ugu habboon hooyooyinka shaqeeya. Keliya kama aysan hor-imaan oo waxay beddeshay waxyaabihii laga aaminsanaa hooyooyinka haya xilalka dowladda, waxay sidoo kale beddeshay sharciyada si ay ugu suurta gasho hooyooyinka in ay u tartamaan xil la isku soo doorto. Jessyn ayaa u dagaalantay sii wanaajinta nolosha dhammaan hooyooyinka shaqeeya iyadoo kordhisay mushaharka ugu yar, ansaxinta fasaxa bukaanka qoyska ee mushaharka la qaato, ka dhigista daryeelka carruurta mid aad iyo aad loo awoodi karo, iyo ka ilaalinta haweenka uurka leh takoorka iyo xadgudubka loogu geysto shaqada.

KU SAABSAN

Wax Samee

Annaga oo Dhan Ayaa Naloo Baahan Yahay

Ku biir liiskeenna iimaylada iyo fariimaha qoraalka ah si aad ololaha uga hesho wararkii ugu dambeeyay!



Tabarruc